{Akhriso}:- Heshiis Horu-dhac Ah Oo Laga Gaaray Colaadii Deegaanka Balanbale.

0
387

Heshiis Horu dhac ah ayaa laga gaaray Colaadii ka taagneed Deegaanada Balanbal Iyo Guraceel Oo Katirsan Galmudug.

Heshiiskaa oo ay garwadeen ka ahaayeen Gudigii u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Heshiiskaa waxaa Goob joog ka ahaa odayaasha Dhaqanka, waxgarad, Culuma’udiin, Saraakiiisha Ciidanka Xooga Dalka, Ugaasyadda Labada Dhinac iyo qeebaha Bulshadda waxaana lagu gaaray Heshiis Horudhac ah.

Qodobadda Heshiisku.

1. In Xabada La Joojiyo.

2. In odayaasha Dhaqanka ay kala Diraan Maleeshiyaadka is horfadhiya.

3. in Qofkii ama Kooxdii Lagu arkaa iyadda oo Magaaladda Hub ku dhexsidata hubka laga qaadan Doono oo dib dambana Gacantiisa loogu soo celin doonin Hadii uu ku dagaalamana Talaabo adag laga qaafi doono.

4. in 10 bisha December Gogol Nabadeed la isugu yimaado Degmedda Guraceel iyadda oo Gogoshu uu dhigayo igaaska Beesha Ceyr ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur Raalina uu kayahay Ugaaska Beesha Mareexaan Ugaas Axmed Cali “Taakoow”

5. in mudada Gogosha Laga gaarayo oo heshiis kama dambeysa Laga gaarayo Ammaanku ay mas’uuliyadi ka saaran tahay Taliyeyaasha Ciidamadda Dowladda Federaalka Ciidamadda NISA iyo Ciidamadda Galmudug.

Gudiga Maxaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugalay sidii xal waara looga gaarilahaa colaada labada qabaa’il udhexeyaa ee kataagan Balanbale.

Halkan Hoose Ka Daalaco Sawiradda.