
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa joojiyay kulanka la filayay inuu la yeesho madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.
labadan hogaamiye ayaa la filayay inay ku kulmaan magaalada Buenos Aries, ee caasimadda dalka Argentina, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka wadamada caalamka ugu dhaqaalaha badan oo la isku yirahdo G20.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhawaajiyay inuu hakiyay kulanka uu la yeelan lahaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin.
Sababta loo joojiyay kulanka ayaa waxaa lagu sheegay xiisadda kasoo dhex cusboonaatay dalalka Ruushka iyo Ukraine.
Trump, ayaa sheegay in uu Putin la kulmi doonto marka ay soo dhammaato xiisadda Ukraine iyo Ruushka.