NISA:- “Waxaan Soo Qabanay Maskaxdii Ka Dambeysay Weerarkii Hotel Saxafi. {akhriso}

0
452

Ciidamadda Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Howl-gal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen Maskaxdii ka dambeysay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

9-11-2018- Dagaal yahano hubeysan oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Weeraray Hotelka Saxafi oo udhaw Isgooska KM-4 Ee Magaaladda Muqdisho iyadda oo Mas’uuliyadda weerarkaasina ay Sheegteen Al-Shabaab.

Hey’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Qoraal Kooban oo ay soo dhigtay Bogga Twiterka ayaa Lagu Sheegay in Ciidamadda Ammaanku ay Gacanta ku soo dhigeen Shaqsigii Ka Dambeeyey Weerarkaasi.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii  lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga”ayaa Lagu yiri War Qoraal ah oo la soo dhigay Barta NISA ee Twitter-ka

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka NISA.