Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Aloolsan Xubnaha iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

0
484
Khilaafkan ayaa Hakiyey Howlihii Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudaneyaasha Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wajahaya Khilaafkii Ugu Xooganaa oo soo kala dhex gala Xubnaha Baarlamaanka iyo Gudoonka Sare.

Khilaafkan ayaa yimid kadib Markii Dhawaan Mudaneyaal katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay Eedeen ujeediyeen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wixii markaa ka dambeeye waxaa Labo garab ukala kabay Xubnaha Baarlamaanka iyadda oo ay ukala jabeen Kuwa taageersan Eedeyntaa iyo kuwa kasoo horjeeda.

Arbacadii shalay Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saareen Warqad ay kukala Dirayaan Xubnaha Gudiga Maaliyadda Uqaabilsan Baarlamaanka.

Gudiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa iyaguna Soo saaray Warqad Qoraal ah oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Taasi oo lagu sheegay in warqadda kasoo baxday Gudoonka Baarlamaanka ay tahay mid xadgudub ku ah Dastuurka Dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kuraas isula tagay 17-Maarso-2005

Dastuurka Dalka oo qabyo Ah ayaa Sabab u ah in Marka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka uu isfaham waa soo kala dhex galo uu garab kastaa Cuksado Qodobo Dastuuri ah iyadda oo ay Dastuurku ay ku qoran yihiin Qodobo dhowr ah oo lid isku ah.

Khilaafkan Curdunka ahi ee ka dhex aloolsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay Kala fadhiyadii Baarlamaanka oo ay ugu adeegi lahaayeen dadka ay iyagu matalaan.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Waraaqahan isdiidani ay yihiin Talaaabo adag oo wiiqeysa Jiritaanka Golaha Sharci dajinta Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaala Howlo badan oo qabyo ah oo ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay iyagu Matalaan.

Aragtidaada Nala Wadaag.