Haweenka Kenyaatiga Ahi Oo Shaqo La’aan Dartii Ugu Biira Al-Shabaab.

0
508

Dumarka Kenya ayaa Waxaa Saameyn Weyn ku yeelatay Shaqo La’aanta Baahsan ee Dalkaa Kajirta iyadda oo Dumarka Qaarkoodba aysan u sahlaneen in Shaqo ay helaan Meelo badan oo kamida Kenya.

Tani Waxaa ay soo dadajisay in Haweenka Qaar ay ku biiraan Xarakadda Al-Shabaab.

Hablaha ku biira Al-shabaab ayaa waxa ay door fiican ka qaataan hawlaha uu qabto ururka ayagoona Al-shabaab u qaabilsan fidinta mabaadi’da uu ururku aaminsan yahay iyo xog uruurin ku aadan falal basaasnimo

Robert Robow Ochoala Waxaa uu kamid yahay Shaqaalaha Ka Howlgala Xarun lagu Dhaqan Celiyo Dhalin yarada Kasoo laabata Xarakadda Al-Shabaab waxaana uu aaminsan yahay in Faqriga iyo Shaqo La’aanta Baahsan ee kajirta Qebo badan oo kamida kenya ay Sabab utahay in Dhalinyaro Fara badan oo kenyati ah ay ku biiraan Al-Shabaab.

Tobankii Sano ee ugu Dambeyaay waxaa Shabaabku ku biiray Dhalinyaro Fara badan oo kenyaati ah iyadda oo ay kamid yihiin Dumar aad ufara badan.

Faatima Waa Ganadh lagu sheegay In ay tahay tii uhu horeysay ee ku biirta Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in ay ku qasabtay Fursab La’aanta iyo Rajo xumadda kasoo muuqata Dalkeeda iyadda oo xustay in hadii ay heli laheed Fursad shaqo in aysan ku biiri laheen.

Haweeney kale oo Hore uga tirsaneed Al-Shabaab ayaa Carbaabtay in Wiil ay dhashay ay ku weysay Al-Shabaab kadib markii uu isku qarxiyey taasi oo ay dib kaga qoomameyneyso sida ay sheegtay.

Dowladda Wadanka Kenya ayaa Dhowr jeer oo hore Sheegtay in ay Cafis u fidineyso Muwaaxiniinta Kenyanka ah ee ka tirsan Al-Shabaab balse Waxaa willi taagan Shaqa la’aanta iyo Raja xumadii dhalinyarada Qaarkood ku qasabtay in ay Al-Shabaabku ku biiraan.