Cabdiraxmaan C/Shakuur Oo Si Jees-jees Leh Kaga Hadlay Kala Diridii Gudiga Maaliyadda Barlamaanka.

0
398
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur Warsame.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur Warsame.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Ka hadlay Kala diridii Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay Qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu kala diray Gudigii Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir waxaa uu sheegay in arintaan ay tahay Mid lagu xakameynayo Daahfurnaanta Dimuquraadiyadda iyo islaxisaabtanka.

Waa isku day kale oo lagu xakameynayo Dimuquraadiyadda islaxisaabtanka iyo iyo Daahfurnaanta Dimuquraadiyadda waxaana Muuqata in Maamulka Madaxweyne Farmaajo in ay ka go’antahay in uu ixtiraamo Fikradaha Aasaasiga ah ee kala Go’a Awoodda Soomaaliya”ayaa yiri Cabdiraxmaan oo Qoraalkooban oo Afka Engiriisiga Ku Qoran soo galiyey Boggiisa Twiterka.

hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadda oo shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu kala diray Gudigga Maaliyadda waxaana xusid mudan in Xubnaha Gudiga oo iyaguna Qoraal soosaaray in Kala diridaa ay ku tilmaameen Sharci Daro.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka.