Al-Shabaab Oo Toban-Sano Kadib Isaga Baxay Degmeda Xaradheere Ee Gobolka Mudug.

0
542
Al-Shabaab Oo Isaga Cararay Degmeda Xaradheere.
Al-Shabaab Oo Isaga Cararay Degmeda Xaradheere.

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa Sheegaya in Halkaa Saakay ay isaga huleeleen Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab oo Mudo badan ka ariminaye.

Al-Shabaab ayaa Mudo ka badan 10-Sano Gacanta ku heysay oo ka arimineysay Degmedaasi.

Dadka Deegaanka oo aan la xeriirnay waxaa ay Gargaar.net u xaqiijiyeen in Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay Saqdii dhexe ee xalay isaga baxeen Degmeda iyadda oo intii hartayna Saakay isaga Huleeleen.

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kaabiga ku haya Degmeda oo ay Faarijiyeen Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab iyadda oo Wax dagaala uu san ka dhicin iyadda oo ay garab ka helayaan Saaciibadooda Caalamiga ahi.

Wakaaladda Wararka Dowladda Ee SONNA ayaa ku warameyso in Laba sababood Midkood ay sababtay ka bixitaanka Al-Shabaab ee Degmeda Xaradheere.

Waa mide in ay ka baqeen Duqeymaha Saaxiibadda Soomaaliya ay la bartilmaameedsanayaan Saldhigyadooda.

Ama in ay ka baqeen Ciidamadda Dowladda oo Halkaa ku wajahan.

Dadka Ku dhaqan Degmeda Xara dheere qaarkood oo aan la hadalnay waxaa ay Baqdin xoogan ka muujinayaan in Markale ay dib ugu soo laabtaan Magaaladda oo Dushooda lagu kor dagaalamo iyada oo sidookale dadka deegaanka ay walwal xoogan ku heyso Duqeymaha Diyaaradaha.

Diyaaradaha aan Cidna duulin ayaa Mudooyinkii Dambe weeraro lixaad leh ku haye Deegaano dhowr ah oo katirsan Gobolka Mudug gaar ahaan Saldhigyadda Al-Shabaab.

po