DHAGEYSO:- Al-Shabaab Oo Fahfahisay Dilka Wadadka Iyo Bulshadda Oo Ku Kala Qeybsantay Dilkiisa.

0
558

Iyada oo Shalay Dagaalyahano Hubeysan oo katirsan Alshabaab ay weerar qaraxyo iyo Mid toos ahba isugu jira ay ku qaadeen Mowlaca Sheakh Cabdi wali Sheakh Cali Cilmi yare ayaa waxaa arinkan uu noqonayaa Mid kala qeybiyey Soomaalida isticmaasha Baraha Bulshadda.

Qaarkood dadka Baraha Bulshadda Sawiradiisa Soo dhigay ayaa ahaa kuwa Naclaxaye wadaadka Lafilay islamarkaana Sheegaye in uu Magaaladda Galkacyo kuhaye Faqsi iyo Fasahaad.

Halka qaarkalena ay ahaayeen kuwa Sheegaye in wadaadka uu ahaa shaqsi wanaagsan lagana Been abuurtay.

Al-Shabaab Maxey ka yiraahdeen Dilka Wadaadka.

Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab Sheakh Cali Maxamuud Raage “Sheakh Cali Dheere” ayaa Faahfaahiyey Weerarkii Lagu Dilay Sheakh Cabdiwali Sheakh Cali Cilmi yare oo Lagu weeraray Magaaladda Galkacyo.

Dagaalyahano Hubeysan Oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Mowlaciisa Kuweeraray Cabdiwali Cali Cilmiyare iyadda oo Halkaa lagu Dilay inkabadan 20-ruux oo uu kujiro Cabdi wali Xaaskiisa iyo Labo Caruura oo uu dhalay iyo qaarkamida Xertiisa.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Cabdiwali uu gaaloobay kadib markii uu aflagaado Ugeestay Nabiga NNKH.

“Cabdi wali waxaa uu u gefay Nabiga NNKH cid kasta oo aflagaadeysaa Anbiyada ilaaheyna Waxaa ay ka baxday Diinta islaamka Xukunkeeduna Waa Dil” ayuu yiri afhayeenku.

Waxaa uu sidookale Sheegay in Dagaalyahanadii Weerarkaasi Fuliyey uu alle uga baryayao in uu janadii Fardowso kawaraabiyo.

Subaxnimadii hore  Ee Shalay ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarun ku taala koonfurta Galkacyo taasi oo xer dhalinyarada lagu fasahaadiyo u aheyd Nin lagu Magacaabi jiray C/weli Cali Cilmi Yare.

Cabdiwali ayaa lahaa Xer dhalinyaro ubadan oo uu bari jiray Nabi amaan lagu raray Music sida laga soo xigtay xubno kudhawdhaw wadaadka.

HALKAN HOOSE KA DAALACO SHIRKA JARAA’ID.