Mucalimuu “Xukuumadda Kheyre Waxaa ay Go’doomisay Saxaafada Soomaaliya”.

0
450
Xoghayaha Ururna NUSOJ.

Xoghayaha Ururka Sucufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay Tacadiyadda Xukuumadda Federaalka ay ku heyso Wariye-yaasha Soomaaliyeed.

Mucalimuu waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ay tahay Xukuumadii ugu Qalafsaneed ee Soomarta Soomaaliya.

Dhawaan Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa Xabsiga utaxaabay Wariye ismaaciil Sheakh Tafaftirihii Wabsite-ka Shaaciye24.com iyadda oo aan ilaa hada la shaacin Sababta Dhabta ah ee uu u xiran yahay.

Wariye Nuur ismaaciil Sheakh

Maxamed ibraahim Mucalimuu waxaa uu Carbaabay In Xukuumadda Federaalka ay tahay mid Go’doomisay Saxaafadda Xurta ah ee Soomaaliyeed.

“Waxaa Dalka marsii horeysay isaga Cararay Wariye lagu magacaabo Isaga oo hanjabaad ay kaga Timid Xafiiska Ra’isul wasaaraha Wariye ayaa dhawaan Lagu Dilay Muqdisho welina Cadaaladda Ma helin hadana sidaasi oo ay tahay waxaa Wariye yaashii lagu xirayaa Maxaad Runta Usheegtaan” ayuu yiri Mucalimuu.

isaga oo sii hadlaye ayuu yiri “Anigu waan yaabanahay Maxaa loo xirayaa oo loo Xurmatirayaa Saxaafadii hadii arinta sidaa kusii socoto waxaa la weyn doonaa cid xaqiiqda ka hadasha cid Musuqa kahadasha”

Wariye Nuur ismaaciil Sheakh ayaa Mudo Todobaad ah U xiran Dowladda Federaalka Welina cadaalada lama sootaagin waana wax lidi ku ah Dastuurka dalka.