Muuse Biixi Oo Booqanaya Jiida Hore Ee Tukaraq iyo Cabsi Laga Qabo Dagaal Markale Qarxa

0
296
Muuse Biixi oo Berito Booqanaya Tukaraq

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed uguudhawaaqday Madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa Lagu wadaa in uu Booqdo Gobolka Sool.

Biixi waxaa uu Sabtida Berito ah uu booqan doonaa Magaaladda Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamo Daacad u kala ah Maamuladda Puntiland iyo Soomaaliland.

Xogo uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa Sheegaya in Marka Madaxweyne Biixi uu gaaro Tukaraq in uu Khudbad u jeedin doono Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Jiida Hore ee Dagaalka.

Maamulka Puntiland ayaa kadigay Socdaalka Muuse Biixi ee Gobolka Sool iyagga oo sheegay in ay ujeedada Socdaalkiisa ay tahay sidii.ciidamo loogu soo biirin lahaa Jiida hore.

Golaha Wasiiradda Puntiland waxaa ay Sheegeen in Cawaaqibkii halkaa ka dhaaha uu mas’uuliyadiisu qaadayo Muuse Biixi.

Aragtidaada Nala Wadaag.