Gabadh Ayeeyadeed Raashinka Ugu Dartay Sun Oo La Xiray.

0
328

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Goob-weyn ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Dadka Deegaanka Saakay ay ku soo Tooseen Dhacdo aad ay uga naxeen.

Gabadh kamida kuwa Deegaanka ayaa Lasoo sheegayaa in Ayeeyadeed oo aheed mid Da’a ay Raashinka ugu Dartay Sun sidaasina ay ku geeriyootay.

Midkamida Dadka Deegaanka Goobweyn oo lahadlay Warsidaha Gargaar.net ayaa u sheegay in Gabadhan oo kamida Hablaha Da’yarta Sookacaya in ay Ayeeyadeed Xalay Raashinka ugu Dartay Sunta Loo isticmaalo Beeraha ee Cayayaanka Looga Ilaaliyo.

Maamulka Deegaanka Waxaa ay warbaahinta U sheegeen in Ciidamadda Ammaanku ay Gacanta ku dhigeen Gabadha Falkaasi geysatay ayna baaritaano ku hayaan Sida ay dhacdadan u dhacday iyo waxa soo dedejiyey.

Dadka Deegaanka ayaa Saakay Hadal haya Dhacdadan oo Layaab iyo amakaag ku noqotay.

“Waq Dhacdo aad looga naxo waana wax aan deegaanka Hore loogu arag waa dhacdo Ku cibriqaadasho Mudan” Sidaasi waxaa Gargaar.netu u Sheegay Xasan Cilmi Qeylshe oo kamida Dadka Deegaanka oo aan la xeriirnay.