Faahfaahin:- Qaraxyo Mataano Ah Oo Muqdisho Ka Dhacay.

0
556

Faahfaahino Dheeraad ah ayaa ka soo Baxaya Qaraxyo Mataano ah oo Jimcaha Maanta ka ka dha Magaaladda Muqdisho.

Qarax Nuuca Miinada Dhulka lagu Aaso ah ayaa Waxaa lagu soo waramayaa in Maanta uu ka dhacay Agagaarka Xaaafada Loo Dalxiis tago ee Daarusalaam.

Xaaafada Daarusalaam Boqolaal Ruux oo isugu jira Qeebaha Bulshadda ayaa Jimcihii u tamashleen taga iyagga oo Halkaa isaga soo qaada Sawiro Qurux Badan si Asxaabtooda ay ula wadaagan iyagga oo Qaarkoodna ay Unasiino Tagaan.

Qaraxan ayaa Lasheegay in Lala Eegtay Ciidamo Katirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maraye Wadada Aada Xaafadda Daarusalaam oo kutaala Muqdisho.

inta Laxaqiijiyey ilaa Labo Askari ayuu dhaawac kasoo gaaray sida Saraakiil Katirsan Kuwa Laamaha Ammaanka ay Gargaar.net u xaqiijiyeen.

Saraakiishu ma aysan bixin Tafaasiil dheeraad ah oo Qaraxaa ku aadan  Balse Waxaa ay ku gaabsadeen in kaliya labo Askari ay kaga dhaawacan tay islamarkaana Midkamida Cisbitaaladda Muqdisho loola cararay oo Xaaladooda Loogula tacaalayo.

Sidookale Dad Goobjooge-yaal ah ayaa Gargaar.net usheegay in Qarax ay maleenayaan in uu ahaa Nuuca Miinada dhulka Lagu Aaso in uu ka duacay Wadada Jenaraal Da’uud.

Macada ilaa haatan Khasaaraha Ka dhashay Qaraxaasi.

Wixii kusoo kordhaa Wararkeena Dambe ayaad ku akhrisan Doontaan insha’allah.