Xasan Sheakh Maxamuud Oo Kismaayo Kula Kulansan Golaha Wasiiradda Jubaland.

0
306

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheakh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in Magaaladda Kismaayo uu kulan kula leeyahay Xubnaha Golaha Wasiiradda Jubaland.

Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda &Horumarka Xasan Sheakh ayaa waxaa La ogeyn waxa ay kawada hadlayaan Isaga iyo Xubnaha Golaha Wasiiradda Jubaland.

Kulankaa oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay ayaa Ilo lagu kalsoon yahay oo aynu la hadallnay waxaa ay inoo sheegeen in looga arinsanayo arimo khiseeya Soomaaliya iyo Xisbiga Cusub ee uu Hogaamiyo.

Xubno katirsan saaxiibadda Xasan Sheakh oo aynu lahadalnay waxaa ay inoo sheegeen in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu Kismaayo ku ku sugnaan doono mudo sedex Cisho ah.

Waxaa Madaxda Jubaland uu kala hadli doonaa Xasan Sheakh Maxamuud inta uu ki sugan yahay Xarunta KMG Ah ee Jubaland sidii Xisbigiisu uu Xafiis kaga Furan lahaa Halkaasi.

Wixii kusoo kordhaa kulamadaa Socda iyo Arimaha la isla soo qaado Kala Soco Gargaar.net.