Maamulka G/Banaadir Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Nuur Ismaaciil Sheakh.

0
423
Wariye Nuur Ismaaciil Sheakh

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Lagu soo Waramayaa in uu Xabsiga utaxaabay Wariye Nuur Ismaaciil sheakh oo sidookale kamida Da’yarta Siyaaasiyiinta ah ee ku dhaqan Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Xariga wariyaha iyadda oo Xog uu helay Warsidaha Gargaar.net uu sheegayo in Nuur Ismaaciil Sheakh uu soo wacay xalay Shaqsi sheeganaya in uu ka agdhaw yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho islamarkaana uu doonayo khilaafka kala dhexeeya Maamulka G/Banaadir.

Wariye Nuur ismaaciil ayaa Mudooyinkii Dambe warbixino ka qoraye  Dhaliilaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Waxyaabaha Maamulka ay kagaabiyeen ee kamid ah waajibaadka Saaran.

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka ee ku Sugan Muqdisho ayaa Kaxeysta sida wararku ay sheegayaan iyadda oo ay isisootarayaan Cambaareynta Xoogan ee Xariga wariyahan.

Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in Nuur loo keenay Warqad katimid Xarunta Dambi baarista CID-da taasi oo dacwad kaga gudbiyeen Maamulka Godoomiye Eng Yariisoow uu hogaamiyo.

Talaabadan ayaa noqoneysa Mid Maamulka Gobolka Banaadir uu ku doonayo In uu ku Caburiyo Saxaafadda Xurta ah ee Soomaaliyeed.

Siyaasigan Da’da yar ayaa mudooyinkii Dambe u ololeenaye sidii Shacabka Gobolka Banaadir ay uhelilahaayeen matalaadooda Siyaasadeed.

Shacabka Gobolka Banaadir ayaa bixiya Canshuuraha Dowladda Hoose ay kusoo dalacdo hadana Mahelaan Caafimaadka iyo waxbarasho Bilaash ah iyadda oo ay dheertahay Matalaada Siyaasadeed oo ay xaqa ulahaayeen.