Maamulka Beled-Xaawo:- “Shaqsigii Al-Shabaab U Doonta Garsoor Waxaa La Ganaaxi 3000-Oo Doolar”.

0
440

Amaro Adag ayaa lagu soo rogay Dadka Al-Shabaab u doonta Garsoorka ee Ku Dhaqan Degmedda Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Awaamiirtan adag ayaa waxaa ay ka soo baxeen Maamulka Degmeda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Qeebo badan oo kamida dadka ku dhaqan Degmeda Beled-Xaawo ayaa waxaa ay inta baxan Garsoorka u doontaan Xarakadda Al-Shabaab gaar ahaan Marka ay timaaxo Dacwooyonka Dhinaca Dhulalka iyo wixii la halmaala.

Maamulka Degmeda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa uu Sheegay in Qofkii ay ogaadaan oo ay ku cadaato in garsoor ay udoonato Xarakadda Al-Shabaab in ay ganaaxi Doonaan ilaa 3,000 (Sedex-Kun Oo Doolar).

Maamulka Degmeddu waxaa ay sheegeen in Arintan oo indhawaana ahba maqalkeedu ay hayeen in ay tahay mid aan Marnaba La Aqbali katin iyadda oo aysan jirin Heshiis kala dhexeeya Al-Shabaab Dagaal Mooyee.

Dhawaan Ayey aheed Markii Maamulka Degmeda ay soo saareen ay ku amreen Magaaladda in ay isaga baxaan Xaasaska iyo Caruurta udhaxa Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab.