DEG DEG:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Oo Ka Badbaaday Qarax Gaarigiisa Loogu Xiray.

0
322
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

Wararka aynu ka helyno Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegaya in Xuldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka badbaaday Qarax gaarigiisa Loogu Xiray.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoosyadda Dabka iyo Shaqaalaha Xilli Xildhibaanku aysan Waxba ka soo gaarin.

Xildhibaankan Qaraxa gaarigiisa loogu Xiray ayaa Lagu Magacaabaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow waxaana uu kamid yahay Xildhibaanadda Baarlamaanka ee Deegaan doorashadoodu ay tahay Hirshabelle iyadda oo uu kamid yahay xildhibaanadda ugu Firfircoon Xubnaha Baarlamaanka.

Daahir Amiin Jeesoow ayaa Xilliga Qaraxu uu dhacaye ku sugnaa Goob ganacsi oo uu ka dukaameysanaye.

inta La xaqiijiyey ilaa Labo riux ayuu Dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi iyadda oo midkamida Labadaa ruux uu yahay Darawalkii Xildhibaanka gaariga ku kaxeynaye.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo aan Qadka Teleefanka kula xrriirnay nooma aysan suuragalin in aan Helno.

Ciidamadda ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goobta Soogaaray iyaga oo xiray Wadooyinka Ka agdhaw koobta qaraxu uu ka dhacay.