Boliiska KGS Oo Is Hortaagay Kulan Lagu Taageeraye Musharax Cabdicasiis Lafta-Gareen

0
409
Musharax Cabdi-Casiis "Lafta-Gareen"
Musharax Cabdi-Casiis “Lafta-Gareen”

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Sheegaya in Maanta Ciidamo Katirsan Boliiska Koofur-galbeed Soomaaliya ay is hortaageen Kulan Lagu Taageeraye Musharaxa Cabdi-Casiis Lafta Gareen.

Kulankan ayaa ahaa mid taageero loogu muujinaye Musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo kamida musharaxiinta ugu Cad cad ee utartamaya Doorashadda Hogaanka Maamulka KGS.

Cabdi-Casiis Lafta Gareen ayaa Lagu Tiriyaa in uu yahay Musharax ay Wadado Xukumadda Soomaaliya.

Ciidano katirsan kuwa Boliiska Maamulka Koofur-galbeed Sooamaaliya ayaa Maamulka Hotelka Lagu Qaban lahaa Kulankan ku amray in gabi ahaanba labaajiyo kulankan.

Arinkan ayaa daba socda kadib markii dhawaan Boliiska Koofur-galbeed Hogaankoodu uu sheegay in Magaaladda aan lagu dhex qaban karin kulan aysan iyagu ka warqabin.

Boliiska KGS oo ka hadlay kulanka Maanta ay is hortaageen waxaa ay sheegeen in Sababaha ugu weyn ay tahay in kulankaa iyagu aan lagu soo wargalin.

Waxaa sidookale Boliisku ay sheegeen in Sababaha kulamada Nuucaani ah ay u diidayaan ay tahay Suurtagalnimada Falal Amniga lid ku ah oo ay suuragal tahay in ay ka dhacdo Goobta kulanka lagu qabanayo.

Mar sii horeysay ayey aheed markii Ciidamadda Boliiska KGS ay is hortaageen Kulan Taageero loogu Muujinaye Musharaxa Sheakh Muqtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur” oo lagu qaban lahaa Magaaladda Brydhabo.