Xog:- Xasan Sheakh Maxamuud Oo Gaaray Kismaayo. +Sawiro.

0
428

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheakh Maxamuud Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada & Horumarka ayaa Maanta Gaaray Magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubaland.

Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo ayaa Siweyn Loogu soo dhaweeye Xasan Sheakh iyo Wafdiga uu Hogaaminaye.

Mas’uuliyiinta Jubaland ee Soo dhaweyntaasi ka qeybqaatay waxaa kamida Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulkaasi SheakhCabdi iyo Xubno kale.

Wararka haatan aynu ka ka heleyno Magaaladda Kismaayo ayaa Ku waramaya in kulamo ay leeyihiin Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xassan Sheakh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Maxoobe”.

Kulamadaa ayaa ah mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda.

Xubno katirsan Madaxtooyadda Jubaland ayaa waxaa ay Gargaar.net u sheegeen in kulamadaa looga arinsanayo Arimaha Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka maxaxda Dowladda iyo Maamulka Jubaland.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.

Halkan Hoose Kala Soco Sawiradda.