G/Mudug:- Xaalada Caafimaad Ee Wariye Farxaan Oo Soo Hagaageysa.

0
402

Xaaladda Caafimaad ee Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid soo reyneysa.

Farxaan ayaa Shalay lagu Tooreeye Degmeda Jariiban Ee Gobolka Mudug kadib markii ay is afgaareen isaga iyo shaqsiga Mindida La dhacay.

Wariye Farxaan ayaa haatan lagu dabiibayaa Cisbitaal kuyaala Magaaladda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaasi oo shalay la dhigay.

Wariye-yaal ku sugan Magaaladda Galkacyo ayaa Gargaar.net u sheegay in Xaaladda Wariyuhu ay tahay mid soo hagaageysa kadib Shalay oo Xaaladiisa caafimaad laga deyrinaye.

Shaqsiga Falkan u geestay Farxaan ayaa Goobta ka baxsaday iyadda oo Ciidamadda Puntilandna ay shalay Degmeda Jariiban ka ka sameeyeen Hiwlgalo ay ku baadi goobayeen.