Xildhibaan Dalxa Oo Maxaxda KGS Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Doorasho Cadaalad Ah.

0
508

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa uuuka hadlay Doorashada Madaxtinimadda Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Prof:- Dalxa Waxaa uu Ugu Baaqay Madaxda ugu sareysa Maamulka Koofur Galbeed in ay ka shaqeeyaan sidii ay Deegaanadda KGS uga Qabsoomi laheyd Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

17-Bishan oo Shalay ku Beegneed ayey aheed Markii loo qorsheeyey in Beydhabo ay ka dhacdo Doorashadda Balse Dib Udhac ayaa ku yimid markii ay Xilka iska casileen Xubno badan oo kamida Gudiga Doorashada KGS oo iscasilaadooda u sababeeye Faragalin lagu haye shaqadooda.

Bedelka Xubnaha is casilay ayaa Sabtidii Shalay Lagu Ansaxiyey Beydhabo iyadda oo Doorashadana loo asteeye 28-Bishaan.

Xildhibaan Madxamed Cumar Dalxa ayaa Xubnaha Gudiga Doorashada Koofur-Galbeed ugu Baaqay in ay ka feejignaadaan In Markale dib u dhac uu kuyimaado Doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi.

Musharaxiin Dhowr ah ayaa isku soo taagay Qabashadda Hogaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya Kuwaasi oo Galaangal Siyaasadeed Ku Leh Deegaanadda Maamulkaasi.