Wariye-Yaasha Muqdisho Oo Dalbaday In Cadaaladda Loo Helo Dilka Wariye Jamaal Khasoggi.

0
303

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa Maanta ka dhacday Dibad Bax kooban Oo lagu Dalbanaye in Cadaaladda uu helo Wariye Jamaal Khaasoggi.

Tiro Badan oo kamida Saxafiyiinta ka howlgasho Muqdisho ayaa Muujiyey sida ay uga xun yihiin Dilka Wariye Jamaal.

Jamaal Khaasoggi ayaa Bishii Hore Lagu dhex dilay Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaaladda Istanbuul.

Wariyeyaashan Oo Maanta isugu soobaxay Magaaladda Muqdisho ayaa Gacmaha ku heystay Sawirka Wariye Jamaal iyaga oo Usameeyey Baroordiiq iyo Duco.

Wariyahan ayaa Lawaaye Markii uu gudaha ugalay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul iyadda oo Sacuudiga oo Markii Hore Shaacisay in Wariyuhu uu Dibadda uga baxay Qunsuliyadda isaga oo Bad-qaba ay markii dambe Qirteen in Lagu dhex dilay Qunsuuliyadda kadib Gacan ka hadal halkaa ka dhacay.

Allaha unaxariistee Jamaal Khaasoggi ayaa lagu yaqiinay Dhaliisha Qoyska Boqortooyadda Sacuudiga iyo Qaabka ay uwajahaan Talada Dalka.

War dhawaan ka soo baxay Waaxda Sirdoonka Mareekanka ee CIA-da Layiraahdo ayaa lagu sheegay in Ay Rumeysan Yihiin in Amarka Lagu Dilay wariyuhu uu bixiyey Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan.