Wariye Farxaan Faarax Cabdi Oo Lagu Dhaawacay Gobolka Mudug.

0
361

op

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Mudug ayaa Sheegaya in Maanta Halkaa Lagu Dhaawacay Wariye kamid ahaa Wariye-yaasha Ka Howlgala Gobolkaasi.

Dhaawaca Wariyahan oo lagu Magacaabo Farxaan Faarax Cabdi ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay Soo Dedejisay Kadib Muran Soo kala Dhex galay isaga iyo Shaqsiga Dhaawaca u geestay.

Goobjoogeyaal Ku Sugan Degmeda Jariiban ayaa Waxaa ay Gargaar.net u xaqiijiyeen in Wariye Farxaan iyo Shaqsi kale uu muran soo kala dhex galay kadibna Shaqsigaa oo ku hubeysnaa Mindi uu Tooreeye Wariyaha.

Farxaan Faarax ayaa Dhaawaciisa Loola Soo cararay Mid kamida Cisbitaaladda Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug iyadda oo halkaa Lagula Tacaalayo Xaaladiisa Caafimaad.

Wariye-yaasha ka Howlgala Gobolka Mudug ayaa soo sheegaya in Xaalada Caafimaad ee Wariye Farxaan iminka Laga Deyrinayo.

Ciidamo Katirsan Kuwa Maamulka Puntiland ayaa Lagu soo waramayaa in Ay Howlgalo kawadaan Deegaanka uu falkan ka dhacay iyaga oo baadi goobaya Shaqsigii Dhaawacay Wariyahan oo Goobtab Ka Baxsaday.

Wixii ku soo kordhaa Howlgaladan Socda iyo Xaaladda Wariye Farxaan Faarax Cali Kala Soco Gargaar.net