Soomaaliland Oo Diiwaan Galineysa Mihnedlayaasha Caafimaadka.

0
328

Deegaanadda Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed Ee Soomaaliland waxaa Si Xiwli ah kaga Soconaya Diiwaan Galinta Mihnedleyaasha Caafimaad.

Arinkan ayaa ka dambeeye Kadib Markii Dhawaan Gudiga Mihnedleyaasha Caafimaadka ee Soomaaliland ay Dhawaan Go’aamiyeen in Ladiiwaangaliyo Mihnedlayaasha Caafimaad.

Mudooyinkii Dambe waxaa Deegaanadda Maamulka Soomaaliland Kusoo Kordhaye Goobaha Caafimaadka ee Gaarka Loo leeyahay Kuwaasi oo Mararka Qaar ay dhacdo in uu tago Bukaan islamarkaana Lasiiyo Dawooyin Aan Tayadooda Lahubin.

Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Deegaanadda Soomaaliland ayaa Qaba in aan Lagu Kaleoonaan Karin Tayadda Daawooyinka ay Bixiyaan Qaarkamida Goobaha Caafimaadka.

Tani waxaa ay Suuragal ka dhigi kartaa In ay saameeyn ku yeelato Caafimaadka Dadweynaha.

Guddoomiyaha guddiga mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland, Dhakhtar Axmed Xaashi Nuur Waxaa uu Sheegay in Diiwaan galintan ay Bilaabeen ay Dani ugu Jirto Dadka Soomaaliyeed islamarkaana ay tahay in Kormeero Joogto ah Lagu Sameeyo Xarumaha Caafimaad ee Gaarka Loo Leeyahay.

“Waxaan Wadnaa Kormeero Joogto ah oo lagu Hubinayo Tayada Dawooyinka ay Bixiyaan Goobaha Caafimaadka” Ayuu yiri Axmed Xaashi.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha Laxeriira Dadka  Ajaanibka ah ee sida Sharci Darada ahi uga shaqeysta Goobaha Caafimaad ayuu sheegay in uu uga digayo Hadii uusan Qofka Ajaanibka ah Laheyn Khibrad iyo Riqsad uu ka heysto Wasaarada Caafimaadka in uu ka shaqeeyo Deegaanada Soomaaliland.