Al-Shabaab:- “1-Askari Ayaan AMISOM Kaga Dilnay Qarax Ka Dhacay Muqdisho”

0
320

Xarakadda Al-Shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Maanta lala eegtay Ciidamo Katirsan Kuwa AMISOM oo maraye Deegaanka Suuqa Xoolaha  Degmedda Hiliwaa Ee Gobolka Banaadir.

Al-Shabaab oo War qoraala ku baahisay Baraha internetka oo ay wararkooda ku faafistaan Waxaa ay sheegeen in inta laxaqiijiyey Hal Askari uu kaga geeriyooday Qaraxaasi Ciidamadda Amisom.

“Qarax Xoogan ayaa Lala Eegtay Kolonyo Ay lasocdeen Ciidamadda Amisom ilaa 1-Askari ayaana kaga Dilanay Iyadda oo uu jiro Dhaawaca Askar kale” ayaa lagu yiri Qoraalka Al-Shabaab.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaana wili ka hadlin Dhankooda Khasaaraha ka dhashay Qaraxaa sidookalena Majiro warar badax banaan oo xaqiijinaua sheegashadda Al-Shabaab.

Qof Goobjooge ah ayaa Gargaar.net usheegay in Ciidamada AMISOM ay Qaraxa kadib Fureen Rasaas aad ufara badan inkastoo Goobjoogahan oo Qaraxa ka argagax sanaa uusan Sheegin Khasaaraha Rasaastaasi ka soo gaaray Dadka Rayid ka ah ee ka agdhawaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Sidookale Al-Shabaab ayaa Sheegay in Dagaalyahano iyagga Ka tirsan ay Xalay Weerar ku halakeeyeen Ciidamo katirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaar ahaan kuwa Nisa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah uu ka dhashay khasaare aad ufara badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh inkastoo Al-Shabaabku sheegin Khasaaraha Dhabtaa oo ay gaarsiiyeen iyo dhankooda khasaaraha kasoo gaaray.

Xarakadda Al-Shabaab waxaa ay warkooda ku sheegeen in ay kordhiyeen Weerarada Ay la beegsanayaan Ciudamadda AMISOM iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Goboladda Dalka.