AKHRISO:- Xubnaha Gudiga Doorashada KGS Oo La Ansaxiyey.

0
344

Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa Sabtida Maanta ah Ucodeeyey Xubnaha Cusub ee lagu soo kordhiyey Gudigga Doorashadda Maamulkaasi.

Xubno Badan oo Kamida Xubnaha Gudiga Doorashadda oo ay ku jiraan Gufoomiyihii Gudigaasi iyo Kuxigeenkiisa ayaa Marsii Horeysay Iska Casilay Xilalkaa kadib Faragalin Ay Sheegeen in Lagu Sameeye.

Baarlamaanka KGS oo kulan kuyeeshay Beydhabo ayaa Cod Gacan taag ah ugu Codeeye Xubnahan Cusub ee Bedelka Unoqonaya Xubnihii Hore Isku Casilay.

Kulanka Maanta oo ay soo Xaadireen 138-Mudane ayaa Waxaa Xubnahan Dhamestirka ahi Ucodeeye 134-Kamida iyadda oo Labo kamida Mudanayaasha Baarlamaanka ay Xubnahan iska diideen Halka Labo Kalena ay Ka Aamuseen.

Doorashadda Madaxtinimadda Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa lagu waday in Laqabto 17-Bishan Balse Fanqalado Siyaasadeed Oo Kusoo kordhay Aawadeed Dib Udhac ayaa Ku yimid.

Gudiga Doorashadda Koofur-Galbeed Oo Hore UShaaciye Waqtiga Doorashada.

Sida Video-gan aad ku Daawateen Gudigga Doorashadda ayaa Mudo 11-Maalmood ah ku kordhiyey Waqtigii Hore Loogu Balamay waxaana ay sheegeen in 28-Bishan November Laqaban Doono Doorashadda.

Hogaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya waxaa ku loolamaya Musharaxiin Dhowr ah oo Galaagal Siyaasadeed Ku Leh Deegaanadda Maamulkaasi.