Saraakiisha Ciidanka Xooga Oo Madaxda Jubaland Kaga Digay Tagitaanka G/Gedo.

0
369
Degmeda Buurdhuubo ee G/Gedo
Degmeda Buurdhuubo ee G/Gedo

Kadib kulan Balaaran oo Maanta Degmedda Buurdhuubo ay ku yresheen Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay Madaxda Maamulka Jubaland ay kaga Digeen in ay soo caga dhigtaan Deegaanadda Gobolkaasi.

Saraakiishan waxaa ay sheegeen in Arintan ay soo dedejisay kadib Markii ay arkeen in Madaxda Maamulka Jubaland ay Garoonka Kismaayo Dhowr jeer oo hore Iskadiideen in ay kasoo dagaan Saraakiisha Dowladda Ay usoo magacaawdo Goboladda Maamulkaa uu ka arimiyo iyo Markii Dhowr heer oo hore Kismaayo laga Celiyey Madaxda Dowladda Federaalka.

Waxaa kaloo arintan ay u sababeeyeen Saraakiisha in ay Fiirsan waayeen sida Maamulka Jubaland ay ula dirirayaan Madaxda Dlowadda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo Dhawaan Ka Baaqsaday Tagitaanka G/Gedo

Arinkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo Dhawaan lagu waday in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu Gaaro Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Madaxda Maamulka Jubaland weli kama aysan hadlin Hadaladaan Khalafsan ee ka soo yeeray Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Oo Maanta kulan Xasaasi ah isugu Yimid Degmeda Buurdhuubo.

Siyaasiyiinta iyo Dadka Falanqeeya Arimaha Soomaaliya ayaa Talaabadan u arka mid ay dabada kasoo riixeyso Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kaga Shaqeyneyso Kala Qoqobka Maamulka Jubaland.