Maxaa Kala Heysta Dadka Galkacyo iyo Cunista Kalluunka.?

0
429

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, ayaa waayadii hore dadka ku dhaqani aanay kalluunka cuni jirin, oo la sheegaaba in ay sanka ka qabsan jireen. Waxaana ka mid ahayd magaalada Gaalkacyo oo haatan ay dadku la qabsadeen cunista kalluunka oo aad uu ugu batay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horraan ka caaganayd cunidda kalluunka, laakin taa ayaa hadda isbadeshay iyadoo la arkaya dad badan oo imaada maheradaha aad looga helo kalluunka.

Musa Bashiir waxa uu ka mid yahay ragga diyaariya kalluunka waxa uuna ku jawaabay mar la weydiiyey waxa iska badelay magaalada Gaalkacyo “Soomaalida siddeedaba waxa ay ku xirantahay sida aad oola dhaqantid iyo qaabka aad wax u bartid ayey ku xirantahay, waxaa kale ee jira in dadkii lagu yiri carruurta ayaa xannuuno ka qaadeen hilibka xoolaha kale, marka kalluunka aad ayuu ooga wanaagsanyahay, dadkana hadda si wanaagsan ayey oola qabsadeen”.

Dadaalada ay sameeyeen dadka ka ganacsada ama iibiya kalluunka ayaa ku dhiiragelisay in dad horraan aan u jaclayn kalluunka ay noqdaan kuwa fahma oo la qabsada,”marka aad si wanaagsan u samaysid qiimaha waxa uu noqon karaa mid qanciya dadka”

Cabaas Cali Cumar oo ka mid ah dadkii aan horay u cunni jirrin kalluunka balse hadda jacel ayaa yiri, mar wax laga weydiiyey sababaha ku dhaliyey “kalluunka hadda waan isku fiicannahay, hadda waxan jooga maqaayadda lagu iibinayo kalluunka, wagii hore iskuma aanan fiicnayn kalluunka balse hadda waan la qabsannay magaaladana waxaan kalluun ahayn lagama cuno, wagii hore waxaan aaminsanayn in wixii cad iyo caano ka soo aanan ahayn in aysan ragga shaqa ku lahayn, kalluunkana sanka ayaan ka qabsan jirnay”.

.

Qaar ka mid ah bulshada dagan magaalada ayaa ku tilmaamay dacaayad waxa uuna yiri mid ah “waxaas waxba kama jiraan weeye, waxayna ahayd dacaayad oo kaliye, mudug waxa ay leedahay badda ugu bad dheer Soomaaliya in la yiraahdo kalluun macunaan waa dad leh badda intaa dhan waa wax yaab leh”.

Gobolka Mudug ayaa waxa uu leeyahay xeeb aad u dheer, waxaana badanaa la sheegaa in kalluunka xeebta aanan laga faa’iidaysan.