Fahfahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay G/Galgaduud.

0
402

Wararka aynu Ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaal Culus Halkaa uu ku Dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa Maamulka Galmudug oo isku garab ah iyo Kuwa Xarakadda Al-Shabaab.

Waxaa Uu Dagaalku ka dhacay Deegaanka Goole-Goole layiraahdo oo Qiyaastii 80-KM ujirta Degmeda Guraceel ee Gobolka Galgaduud iyadda oo uu Dagaalku Yimid kadib Markii Ciidamadda isgarabsanaya ay weerar lixaadleh ku qaadeen Fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Deegaankaasi.

Dagaalka oo Hubka Nuucyadiisa kala Duwan La isku adeegsaday ayaa Waxaa ka dhashay Khasaare Xoogan oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Dadka Deegaanka ayaa Waxaa ay sheegayaan in ilaa Sedex Ruux oo Rayid ah in ay ku geeriyoideen.

Qof Goobjooge ah oo ku sugan Halka Dagaalku uu kadhacay ayaa Sheegay in uu indhihiisa Saaray ilaa 4-Askari oo dhaawac ah balse uusan Cadeyn karin Labada dhinac mida ay katirsanaayeen Askartaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamadda isgarabsanaya ay Dagaal kula wareegeen Deegaano Dhowr ah oo Katirsan Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabaab.

Wixii kusoo kordhaa Kala Soco Gargaar.net.