Xildhibaanada Barlamaanka Koofur-Galbeed Oo Ku Qul-Qulaya Brydhabo.

0
358

Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ku sii Qulqulaya Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Mudanayaashan oo Mudooyinkii Dambe ku sugnaa Qeebo kamida Goboladda Dalka Haba ugu badnaatee Magaaladda Caasimada Ahi ee Muqdisho ayaa Lagu soo waramayaa in ay Markan Aad ugu sii qulqulayaan Beydhabo kadib Is-Casilaadii Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Xildhibaanadan ayaa Lasoo sheegayaa in kulamo Gooni Gooni ah Ay la yeelanayaan Siyaasiyiinta Waxgaradka iyo Qeebaha Bulshadda Koofur-galbeed ee ku dhaqan Beydhabo kulamadaa oo looga arinsanayo Aayaha Deegaanadda Koofur-Galbeed.

Beydhabo ayaa wajaheysa Doorashadda Madaxtinimada iyadda oo Dhawaan Halkaa ay ka dhicidoonto Doorasho Adag.

Madaxtooyadda Magaaladda Beydhabo waxaa ka soconaya Kulamo Gooni-gooni ah oo ay halkaa ku leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur-galbeed Soomaaliya.

Ammaanka Magaaladda Beydhabo ayaa Aad loo Adkeeye iyadda oo Ciidamadda Ammaanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ay Gaaf wareegayaan Afarta Xaafadood ee Magaaladda si ay Amniga U Xaqiijiyaan.

Magaaladda Beydhabo ayaa Aad looga Dareemayaa Diyaargaroowga Doorashadda Dhawaan ka dhici doonto Halkaasi iyadda oo Dadka Soomaaliyeed iyo Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliyaba ay aad indhaha ugu hayaan Qaabka loowajaho doorashadda iyo Shaqsiga ku guuleesta iyo sida Musharaciinta kale ay ugu hogaansamaan Natiijada Doorashadda.

Wixii Wararkaa kusoo kordhaa kala soco gargaar.net   “U Hiiliyaha Umadda Soonaaliyeed”