Jahwareer Siyaasadeed Oo Ka Taagan Beydhabo iyo Cabsi Xoogan Oo……..

0
308

Magaaladda Beydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay waxaa laga soo warinayaa Xaalad Kacsanaan ah iyadda oo ay jirto Kulamo Gooni-gooni ah oo Caawa Ka soconaya.

Jahwarerkan Siyaasadeed oo ay Beydhabo wajaheyso ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Gudiga Doorashadda Madaxweynaha KGS ay iscasileen.

Inta laxaqiijiyey kudhawaad 20-Ruux oo kamida Xubnaha Gudiga ayaa iscasilay.

Gilinkii Dambe ee Maanta Warar soobaxaye waxaa ay sheegayeen in uu Doorashada ka tanaasulayo Madaxweynaha Koofur-galbeed Soimaaliya ee haatan xilka hayo Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Madaxtooyadda Magaaladda Beydhabo waxaa xilligan ka soconaya Kulamo looga arinsanayo Xal uhelida Iscasilaadan isdabajooga ah ee xubnaha Gudiga Doorashada Kofur-Galbeed Soomaaliya.

Arinkan ayaa waxa ay sii cakireysaa in 17-bishaan Magaaladda Beydhabo ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

Warar Hoose oo uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa sheegaya in Xubnaha is casilay ay isku dhaw yihiin Madaxweynaha Talada Haya ee Gabalkiisu uu dhacay ee Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Inkabadan 10-Musharax oo Miisaan ku leh Siyaasada KGS Ayaa ku loolamaya Doorashadda Madaxtinimadda Maamulkaasi.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soonaaliya iyo Madaxda Golaha iskaashiga Maamul-goboleedyadda marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa si hoose ugu Loolamaya Doorashadda Hogaanka Maamulkaasi.

Wixii kusoo kordhaa kala soci Gargaar.net