Sweden:- Xisbiyo Ku Fashilmay Joojinta In Sare Looqaado Aadaanka Salaada.

0
468

Sweden {Gargaar.net}:– Xisbiyadda Kala Ah SD iyo KD ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilmeen Mooshin ay Gudbiyeen oo ku aadanaa in la Joojoojiyo Kor uqaadida  Aadaanka Salaada.

Mooshinkan Oo ay Ugudbiyeen Labadan Xesbi Maamulka amagaaladda Karlskarona Mana aha Markii ugu Horeysay oo ay Xisbiyadaan Gudbiyaan Mooshino ay kaga Andacoonayaan Aadaanka Xilliyadda Salaaada ee Waqtiga Dalkaasi.

Xesbiga Svengedemokreterna ayaa Mooshinkaasi Sabab uga Dhigay in Aadaanka Salaadaha oo Luqad kale Lagu Akhriyo iyadda oo Sare looqaadayo in uusan kamid aheyn Caadooyinka Dalka Sweden.

Maamulka Magaaladda Kerlskrona oo Mooshinka Loogudbiyey ayaa iska diiday.

Waxaana Maamulku uu Sheegay in Aadaanka Salaadda uusan wax dhib ah aysan ku Qabin Dadka Magaaladiisa ku dhaqan taasi oo dhabar jab xoogan ku noqoneysa Talaabadda Mooshinka ahi oo ay Wadeen Xesbiyadda SD iyo KD.

Siyaasiyiinta Kunool Sweden ayaa Talaabadda ay Qaadeen Xesbiyadan u arka in ay tahay Mid ay ku doonayeen in Ay Caan kaga dhigaan Magaca Xesbiyadooda ayaga oo umaraya Wado Cunsuriyad ah Balse ay ku Fashilmeen.