Howlgalo Saf Balaaran Ah Oo Ka Socda Jubada Hoose.

0
435

Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Jubaland iyo Kuwa sida Gaarka ah utababaran ayaa lagu soo waramayaa in Howlgalo Saf balaaran ah ay kawadaan Deegaano iyo Defmooyin katirsan kuwa Jubadda Hoose.

Howlgaladda Xoogooda ayaa waxaa ay ka socdaan Deegaanadda ku dhaw dhaw Degmedda Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose.

Taliyaha ciidanka Jubbaland Sareeya Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim(Aadan Goojaar) oo Aan Laxeriirnay waxaa uu Gargaar.net u sheegay in Howlgaladda oo ah kuwa Saf balaaran ah ay iska kaashanayaan Ciidamadda Daraawiishta Jubaland iyo Kuwa Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab.

Waxaa uu sheegay in Howlgaladdan ay socon doonaan inta Al-Shabaab ay ka sifeynayaan Deegaanadda Jubaland ay kaga Sugan yihiin.

Waxaa uu Tilmaamay Aadan Goojaar in Tan iyo Inta Howlgalkan uu Bilowday ay Guulo waaweyn ay kagaareen Howlgaladda islamarkaana Deegaano Dhowr ah ay kala wareegeen Al-Shabaab sidookalena Ay ku Dileen Askar iyo Saraakiil Katirsan Shabaab Sida uu hadalka u dhigay.