Fah-Faahin:- Ciidamada Jabuuti Oo Qaraxyo Mataano Ah Lagula Eegtay Buulo-Burde.

0
363

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa Sheegaya in  Qaraxyo Mataano ah Maanta lagula eegtay Ciidamadda Jabuuti ee Hiil-Walaal ee kamida Howlgalka Amisom.

Dadka Deegaanka ayaa Ku soo waramaya in ay maqleen Dhawaqa Qaraxyo is xigxigay ay ka dhaceen Duuleedka Degmeda Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxyadan ayaa Lasheegay in ay ahaayeen Nuuca Miinada Meelaha Fig fig laga hago kuwaasi Oo lala eegtay Ciidamadda Jabuuti xilli ay Marayeen Duuleedka Buulo-burde.

Ciidamadda Jabuuti ayaa qaraxa kadib hawada ka saaray isgaarsiinta Deegaanka.

Ciidamadda Jabuuti iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Goobta gaarat ayaa Howlgalo ka sameeye halkaa ka sameeye Howlgalo Kooban iyaga Oo Xirey dhamaan Wadooyinka Goobta Uu Qaraxu ku Hakeelay Kolonyadaasi katirsan Ciidamadda Jabuuti.

Al-Shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi Qaraxyada ah oo jimcaha Maanta ahi lala eegtay Ciidamadda Jabuuti.

Saraakiisha Ciidamadda Jabuuti Oo aan laxeriirnay waa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxyadaa lala eegtay.

inta badan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Qaraxyo iyo Weeraro la bartilmaaneedsata Ciidamadda Jabuuti ee Howlgalka Amisom qeebta ka ah kuwaasi oo kusocdaalaya Buulo burde iyo Deegaanadda Ku dhawdhaw.