
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dawladaha Islaamka, dadkeeduna waa muslimiin 100% sidaas darteed ayey shareecadooduna tahay diinta Islaamka, waxaa ka xarriman wax kasta oo uu sharcigu xarrimay.
Waxyaabaha shareecadeenna xaniifku mamnuucday ee la xiriira beec mushtarka waxaa ka mid ah ka ganacsiga daroogada nooc kasta oo ay ahaataba.
Waxaa dhawaanahaan dalka ku baahay nooc ka mid ah daroogooyinka dilaaga ah oo lagu magacaabo “Taabuu”, noocaan daroogada ah ayaa dalka lagu soo geliyey qaab ganacsi waxa ayna si fudud ugu dhex faaftay qaybaha bulshada oo ay dhallinyaradu ugu badan yihiin.
Wershadaha soo saara daroogadaan ayaa qolofka kore ku soo qoray halkudhig ay ku muujinayaan waxyeelladeeda kaas oo ah “Way ka khatar badan tahay sidaad malaynayso” halkudhigga ayaa ku qoran labada luuqadood ee Ingiriiska iyo Carabiga.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa mamnuucday soo dejinta Taabuuga iyada oo u danaynaysa bulshada Soomaaliyeed oo ay daroogadaasi dhibaato weyn ku hayso.
Waxaa jiray qaylo dhaan ka soo yeeraysay culumada, aqoonyahannada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegsiga daroogadaan dilaaga ah ee Taabuuga.
Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Ganacsiga oo qaadday tallaab muhiim ah kuna badbaadinaysa caafimaadka da’ yarteenna, waxaan kaloo ammaan iyo abaalba u haynaa intii ka digtay waxyeellada daroogadaas.
Halkan Hoose Ka Daalaco Tix-Gaaban Oo Aynu Ku Cabireyno Waxyeeladda Taabuuga.
Midka qooshay dhunkaashee
Inta Markab soo dhaansha
Dhul shisheeye ka keenay
Dhallinteen ku dhagraayo
Dhalanteedka badaayo
Caafimaadna dhantaalay
Rabbiigeen dhulka uumow
Raasumaalka dhaqaaliyo
Dhitadii bankiyeede
Dheecaanka daroogiyo
Wax dhacay uu ku keenay
Dhibic aadan ka reebin
Dhadhankii tubaakee
Dhibka ay wadataana
Dusheed ay ku dhignayd
Midka dhuuni ka doonee
Sunta keenay dhulkeennoo
Dhallinteen ku dhex baahshay
Rabbow uu dhintaa oo
Tiisu ay dhammaatoo
La dhaxlaa hantidiisa.
FG: Fadlan faafi oo badbaadi dadkaaga.
W/Q:- Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan.