Dad Ku Dhintay Dab Ka Kacay Koofur Africa.

0
383
Waxaa Soconaye Howlaha Dabka Lagu Baqtiinayo.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay kayn caan ah oo ku taalla dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Haweeney xaamilo ah iyo saddex carruur ayaa kamid ah dadka ay waxyeellada kasoo gaartay dabka.

Kaynta ayaa ku taalla gobolka Western Cape, waxaana dhex martaa waddo ay maraan dalxiisayaasha.

Maamulka magaalada George waxay sheegeen in ugu yaraan 200 qof laga daad gureeyay deegannada ku dhaw kaynta.

In ka badan 400 oo kamid ah kooxaha dab damiska ayaa la daala dhacaya inay damiyaan dabka qabsaday kaynta dheereerkeedu gaarayo 450 kilomitar oo ku taalla bariga magaalada Cape Town.