Diyaarad Rakaab Siday Oo Bur-Burtay +Sawiro.

0
498

Magaaladda Caasimadda Ahi ee Dalka Endonesia Ee Jakarta Layiraahdo Waxaa lagu soo Waramayaa in Halkaa ay ku Burburtay Diyaarad Rakaab ah oo Dad Badani ay ku geeriyoodeen.

Diyaaradda oo Nuuceedu ahaa Boeing 737 Oo ay leedahaday Shirkadda Diyaaradaha ee Lagu Magacaabo Lion Air Ayaa Lagu Soowaramayaa in Gabi ahaanba ay Burburtay Kadib Marki ay ku dhacday Badda Indonesia.

In kabadan 180-Ruux ayaa Saarnaa Diyaarada.

Qaraabadda iyo ehelka Dadka Geeriyooday ayaa Soo Buuxdhaafiyey Garoonka Gaar ahaan Meel Loogu talagalay in laga ogaado Xogta Diyaaradda.

Macada in ay Dad Ka badbaadeen iyadda oo Saraakiisha Dhinaca Duulimaadyadda ay soo sheegayaan in Xedhiidhka dhinaca Dhulka uu lumay wax yar un kadib Markii ay kacday iyadda oo Markii Dambena Laga Helay Badda.

“Diyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,” sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay Yusuf Latif oo ah afhayeenka Hay’adda Gurmadka. Wuxuuna intaas ku daray in ay wali baadigoobayaan burburka diyaaradda.