Golaha Iskaashiga Maamul-Goboleedyada Oo Shir Uga Furmayo Garowe.

0
335

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Pintiland waxaa Saaka Ka Furmaya Shirka Golaha iskaashiga Maamul-Goboleedyadda Dalka.

Waxaa Magaaladda Ku Sugan Oo Shalay Gaaray Madaxda Maamul-Goboleedyadda Jubaland, Koofur-galbeed, iyo Galmidug.

Waxaa Kulankaasi Kabaaqsanaya Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo kamida Golaha iskaashiga Maamul-goboleedyadda Maxamed Cabdi Waare oo Marsii horeysay Kanoqday Heshiis Goluhu ay kuwada gaareen kismaayo oo Xeriirka loogu Jaraye Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan Maanta Furmaya ayaa Daba Socda Shir Goluhu horey Ugu Yeesheen Magaalada Kismaayo Bishii Hore kaasi oo Madaxda Maamuladu ay ku hakiyeen Xeriirka Dowladda Dhexe ay lawadaagaan.

Shirkan Kafurmaya Garoowe waxaa  uu socon doonaa mudo Sedex Maalin ah.

Tan iyo Shirkii Kismaayo ka dhacay Bishii hore ee Seotenber waxaa khilaaf sookala dhex galay Golaha iskaashiga kadib Markii Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi waare uu ka tanazulay Go’aanka Xeriirka loogu jaray Dowladda.

Shirka Maanta Ka Furmaya Garoowe ayaa Lafilayaa in ay kasoo baxaan Go’aamo Adadag.

Madaxda Maamul-goboleedyadda Ayaa wajahayabCadaadis aad u Xoogan oo kaga imaanaya dhanka Beesha Caalamka iyaffa oo Beesha Caalamku ay ka dalbadeen in Markale aysan Madaxdu isugu imaan shir lagu mucaaradayo Dowladda Federaalka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa isha kuwada haya Go’aamada Golaha iskaashiga Dowlad-Goboleedyadda Dalka.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.