Taliyaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi (indha qarshe) ayaa gaaray magaalada kismaayo ee maamulka jubaland.
Taliyaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo Madexweynaha Maamulka Goboledka Jubaland Axmed islaam Axmed midoobe.
waxa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Gen indha qorshe ayaa sheegay in booqashatiisa kismaayo ay tahay in indha indheen ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan CXDS, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddudta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyuhu.