Soomaaliya oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlayey Hormarinta Deegaanka.

0
337

Soomaaliya ayaa ka qeyb ka shay shir looga hadlayey hormarinta deegaanka.

Shirka aya lagu soo  gaba gabeeyey magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya waxaana soo qaban qaabiyey  urur goboledka IGad .

Shirkaan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen  wadamada ku midoobay  Urur Goboleedka IGAD, Iyadoona looga Hadlay  Hormarinta Maamul Wanaaga iyo yareenta dhibaadooyinka  ka dhasha dhulka.

Waxaa soomaaliya shirkaan  ugu qeyb kalay  Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon”. ayuu yiri Wasiir Ciid.