Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Gudominayo Golaha Wasiirada Somaliya iyo Qodobo Muhim Ah Oo……….

0
348
Farmaajo/Gargaar.net
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa Goordhaw Ka Bilaabmaya Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee khamiislaha ahaa.

Shirkan Waa uu ka duwan yahay Shirarkii Hore, waxaana Shirgudoominaya Kulanka Maanta oo Khamiis ahi Madaxweynaha Jamhiuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xogo hoose oo aan ka helnay Xubno katirsan Madaxtooyadda Soomaaliya Waxaa ay Gargaar.net u xaqiijiyeen in Kulanka Looga Hadlayo Waxa u qabsoomay Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre mudada ay shaqeyneysay.

Waxyaabaha Lafilankaro In la isugu soo qaado waxaa kamida Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda dalka oo meeshii ugu xumeed Maraya.

Xubnaha aan la hadalnay oo katirsan Madaxtooyadda Soomaaliya waxaa ino sheegeen in Qodobada Lafilan karo in Looga hadlo Ay kamif tahay Barnaamijka Tubta Toosan, Barnaamijka isxilqaan iyo Qodobo kale oo aan lasii shaacin.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net