Maxaa Kajira In Xidiga Philippe Coutinho Uu Ka Careysiiyey Taageereyaasha Kooxda Liverpool.?

0
379

Xidigii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ka caraysiiyay taageerayaasha kooxdiisii hore.

Warar laga helayo dalka Spain ayaa sheegaya in Coutinho uu dhabar jabinayo kooxda Liverpool, wuxuuna bilaabay inuu ku qanciyo Roberto Firmino imaantinka Barcelona si uu badal ugu noqdo Luis Suarez.

Image result for Coutinho Firmino

Barcelona ayaa u aragta Suarez xiddig ay ka dhamaatay, waxayna arkadeen Roberto Firmino kaas oo saaxiibo dhaw ay yihiin Coutinho oo ka caawin kara inuu aqbalo dalabkooda.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in taageerayaasha kooxda Liverpool ay ka caroodeen Coutinho kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya inuu ku qancinayo Roberto Firmino ka tagista Reds dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Taageerayaasha waxaa wali ka sii hor muuqda bixidii Coutinho, waxayna u arkaan qiyaano inuu duufsado xiddig daacad u ah kooxda waqtigaan.