Kooxo hubeysan oo Xalay Dilka ka geysday Degmada Wadajir.

0
386

Kooxo hubeysan  ayaa  habeenimadii xalay degmada  wadajir  ee gobolka Banaadir ku dilay  mid ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Dableyda hubeysneed  ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bistoolado  ayna ka baxsateen  goobta marka ay dilka geysteen .

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Feeldheer waxuuna ka mid ahaa ergadii magaalada cadaado  ka soo xulay  Baalamaanka soomaaliya.

ciidanada amaanka  ee dowladda federaalka soomaaliya oo halka uu dilka ka dhacay  dagay  ayaa xaafada ku dhaw  goobta ka sameeyey howlkalo ay ku baadi goobayaan  ragii dilka geysday.

Raga dilka u geysday  marxuun Maxamed  Cali Feeldheer ayaa la sheegay in ay ahaayeen labo dhalin yaro ah.