Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ee magaalada muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuwwsi oo ku jira isbitaalka erdogan .
Mudane maxamed Mursal shiikh cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadka dhaawaca ka soo gaaray qaraxii magaalada beydhabo ka dhacay 13ka bishaan ee aan dal wax looga qaban karin loo qaadi doono dalka dibadiisa.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka JFS ayaa u rajeeyey dadka dhaawaca soo gaaray caafimaad in uu alla siiyo .