G/Baarlamaanka Koofur-Galbeed Oo Beeniye Magacaabista Gudi Doorasho Oo Warbaahinta Lagu Shaaciyey.

0
317

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur-Galbeed Soomaaliya oo Beeniyey Warqad Been Abuur ah Oo lagu Faafiyey Baraha Bulshadda iyo Website-yadda Afka Soomaaliga Wararka ku Qora.

Cabdul-qaadir Shariif Shequnaa Maye oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur-galbeed Soomaaliya oo Saxaafada Shir Jaraa’id ugu Qabtay Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Sheegay in Warqadaa aysan Kasoo Bixin Xafiiskiisa.

Waxaa uu Sheegay in In Arinkan Ay Tahay Been aan Sal iyo Raad Laheyn oo uu kadambeeyo Madaxweynihii Hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheakh Aadan.

“Mudaneyaasha ku xusan Warqadan Waa kuwa Saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Talada Kasii dagaya ee Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheakh Aadan taasina waxaa ay daliil utahay Halka ay Katimi ama lasoo Abaabulay Beentan aan Salka iyo Raad laheyn”Ayuu yiri Cabdulqaadir Shariif Sheakhunaa Maye Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAALACO WARQADDA Been Abuurka ah.