Wasiirka Deegaanka Puntiland Oo Kormeeray Xurfo Biyood Casri Ah Oo La Hirgaliye Kalabeyr. Sawirro.

0
354

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo ay wehelinayaan agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan wasaradda ayaa kormeer ku tagay xurfo casri ah oo ay wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladu ka dhisayso Deegaanka Kalabayr ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa booqday xili ay shaqada dhismaha Xurfadani si habsami leh u soconaysay waxaana uu soo indha-indheeyey qaabka loo dhisayo xurfadan oo ah mid si ka duwan qaababkii hore loo diyaarinayo, iyadoo oo ay xurfadani ku dhisantahay qaab hoos looga samaynayo Bac-Biyaha celinaysa mudo dheer iyo Ceelal biyaha laga cabi doono kuwaas oo ku shaqaynaya habka ka faa’iidaysiga Qoraxda “Solarka” taas oo kamid ah siyaasadda Wasaarada Deegaanka ee ka faa’iidaysiga khayraadka ilaahay dadka ku manaystay.

Waftiga Wasiirka ayaa shaqaalaha dhisaya xurfadan ku amray in si miisaaman loo dhameeyo shaqadan islamarkaasna ay rajaynayaan in ay xurfaddani mudo dheer dadka iyo duunyadaba anfacdo.

Waxaana ay sidoo kale shirkada dhisaysa Xurfadan iyo Ceelasha la socda ay kula dardaarmeen in shaqada loo qabto si habsami iyo dedejini ku jirto taas oo loola jeedo in roobabka soo socda aysan biyo badani ka khasaarin bulshada iyo Duunyadaba.

Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ayaa mudooyinkii u dambaysay waday shaqo baaxadleh oo ku salaysan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo ka hortaga Oonka iyo Biyo yarida.

HALKAN HOOSE KA DAALACO SAWIRADDA.