Carwada Isgaarsiinta Iyo Technolojiyadda Oo Muqdisho Laga Furay.

0
361

 

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxaned Guuleed Khadar ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho ku Daahfuray Bandhiga Tecnhnologiyadda Soomaaliya.

Bandhigan Oo ay sooqaban qaabisay wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin kasocda Shirkadaha isgaarsiinta Dalka iyo Xubno Katirsan Beesha Caalamka.

Dhammaan Xubnihii Kaqeybgalay Bandhigan ayaa aad ugu dheeraaday ka shekeynta Muhiimadda Technolojiyadda Casriga ahi ay u leedahay Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa Sheegay in Guul weyn ay tahay In Sharcigii isgaarsiinta uu meelmariyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Balse ay nasiib daro tahay in Shuruco kale oo Dhowr ah ay willi horyaalaan.

Waxaa uu Baarlamaanka Federaalka Iyo Golaha Aqalka Sare ugu Baaqay Meelmarinta Sharciyadda Muhimka u ah soomaaliya.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed Khadar ayaa Sheegay in Soomaaliya ay Hormar weyn kasameysay dhinaca Technologiyadda Casriga ahi ee caalamku ku talaabsaday.