Qaban-Qaabada Doorashadda Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Socota Cadaado.

0
356
Madaxtooyadda Galmudug Ee Cadaado.

Magaaladda Cadaado Waxaa ka soconaya Qabanqaabadda Doorashadda Madaxtinimadda Galmudug.

Xildhibaanadda Galmudug Garabka Cadaado ayaa ku Howlan Sidii ay u dooran lahaayeen Madaxeeyne Cusub oo Bedel unoqonaya Madaxweynaha Haatan Xilka haya Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.

Xildhibaanadda ayaa 15-Bishii aynu soo dhaafnay Sheegay in ay xilka kaqaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf inkastoo arinkaasi Madaxweynuhu uu ku tilmaamay mid Fowdo ah.

Dhawaanahanba waxaa cirka isku sii shareeraye khilaafka Siyaasadeed ee Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Warsaxaafadeed soosaaray waxaa uu aad ugu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya Faragalinta khilaafkan.

Waxaa uu sheegay in iyaddu ay Hurineyso Balse Natiijada ka dhalata ay Dusha Uridan doonto.