Munaasabad Lagu Xusaye Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed Oo Muqdisho Lagu Qabtay +Sawirro.

0
426
Muqdisho Oo Siweyn Loogu Xusay Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed.
Muqdisho Oo Siweyn Loogu Xusay Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa Maanta Lagu Qabtay Munaasabad Lagu Xusaye Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahi ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Xubno Kasocda Labada Gole ee Dowladda Federaalka, Iyo Qeybaha Bulshadda Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay Munaasabadaasi.

Dhammaan Xubnihii Ka Qeybgalay Munaasabadaasi ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ku dhiiragaliyey in ay laba jibaaraan Tacabka Beeraha si wax soosaarkoodu uu unoqdo mid Kobca.

Xasan Cali Kheyre Ra’isul-Wasaaraha Soomaaliya oo Munaasabadaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa ku dheeraaday Kashekeynta Muhiimadda ay Beeraleyda Soomaaliyeed u leeyihiin Dalka isaga oo Xusuusiyey Kaalinta Beeraleydu ay ku leeyihiin Dhaqaalaha Dalka.

Waxaa uu Xusay in Loobahanyahay in Ay laba jibaaraan Abuurka Dalaga Beeraha si Dalka Dibadiisa ay ugu Beecgeystaan Kaalin Muglehna ay uga Ciyaaraan Soocelinta Sharafka iyo Karaamadda Dalka.