
Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisoow” ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hey’aada Qaramadda Midoobe Ugu Xilsaaran Dhinaca Qaxootiga Uqaabilsan Geeska Africa Maxamed Cabdi Afeey.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa wakiilka Kaga Warbixiyey Xaaladda Barakacayaasha Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho.
Magaaladda Caasimadda ahi ee Muqdisho waxaa ku nool Barakacayaal lagu Qiyaasay in kabadan 5000 Kuwaasi oo kunool Xaalado kala duwan una baahan Gargaar deg deg Ah.
Wakiilka UNHCR uqaabilsan Geeska Africa ayaa Dhankiisa Sheegay in ay Muhiim tahay in Si deg deg ah Gargaar Loosoo Gaarsiiyo Barakacayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho.
Waxaan maanta wada-hadal qiimo badan yeelanay Ergayga gaarka ah ee bariga Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire @AMB_Affey oo ka wada hadalnay arrimaha Barakacayaasha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta hay'addu la leedahay Gobolka Banaadir. pic.twitter.com/IHsOKC3RDO
— Abdirahman O. Osman (@engyarisow) October 16, 2018