
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisoow” ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka UNOCHA Oo ah Xafiiska Qaramadda Midoobe uqaabilsan Dhinaca Arimaha Bini’adanimadda.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Mr. Justin Brady Kala hadlay sidii loo xoojin lahaa Howlaha Dhinaca Bini’aadanimadda oo UNOCHA ay kawado soomaaliya.
Mr.Justin Brady ayaa waxaa uu Duqa Muqdisho kaga mahadceliyey soodhaweynta uu ugu sameeye xafiiskiisa Asiga oo sheegay in ay laba jibaarayaan Howlaha dhinaca Bini’aadanimadda oo ay ka sameeyaan Magaaladda Caasimada ahi ee Muqdisho.
Madaxa Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo maanta kulan wada yeelanay waxaan ka wada hadlay howlaha bini’aadamnimo ee hay’addu u qabato bulshada Caasimadda pic.twitter.com/R9ce4xgIeW
— Abdirahman O. Osman (@engyarisow) October 16, 2018